Mareykanka oo xayiraad dhaqaale kusoo rogay xubno katirsan Al-Shabaab

Maamulka Madaxweyne Trump ayaa xayiraad kusoo rogay saraakiil katirsan Al-Shabaab, waxaana ay ku eedeysan yihiin weeraro kala duwan oo ka dhacay Geeska Afrika sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Xukuumadda Washington ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay Urur Argagixiso sanadkii 2008, hoggaamiyaashooda waxaa madaxooda la dul dhigay adduun lacageed lagu abaalmarinayo dadka fududeeyo xogtooda, sidaas ayay u galeen liiska shaqsiyaadka la doon-doonayo.

Magacyada labada Ruux ee Xukuumadda Washington daneyneyso ayaa kala ah: Cabdullaahi Cusmaan Maxamed iyo Maalin Ayman, waaxda arrimaha dibadda mareykanka ayaa sheegtay in lala wareegayo Hantida ka taalla Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa qirtay in Cabdullaahi & Maalin ay yihiin khubaro sare oo ku kala takhasusay Walxaha Qarxa iyo la talinta Amiirka Al-Shabaab ee dhanka Warbaahinta ku hadashay afkooda.

Sidoo kale Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman oo ah garab kamid ah Al-Shabaab oo howlgalo ka fuliya Kenya & Soomaaliya, waxaana kamid ah duullaanka garabkaan uu fuliyay weerarkii ka dhacay Xerada manda Bay oo lagu dilay Askar Ameerikaan ah.

Madaxweyne Donald Trump oo lagu garaacay doorashada Mareykanka 2020 ayaa xafiiska baaqi kusii ahaanaya ilaa 20-ka Janaayo 2021, inta aan la gaarin waqtigaas waxa uu qorsheeyay in uu sameeyo fulinta howlo qabyo u ahaa sida ay sheegeen saraakiil kala duwan.

Isha: AP / Mustaqbal