Maxaad ka taqaan xubnaha NISA ee ku jira Guddiyada Doorashooyinka 2020/2021 ?

Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ka horyimid Guddiyadda Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka ee ay magacaabeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Dowlad Gobaleedyada, sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in Guddiga ay magacowday Xukuumaddiisu yihiin Shaqaale katirsan Xafiiskiisa iyo Hay’adda NISA ee uu hoggaamiyo Fahad Yaasiin.

Hadaba Maxaad ka taqaan Magacyada xubnaha ku jira Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed ee katirsan Taliska NISA.

Heer Federaal”

1)Maxamed Xasan Maxamed ( Kornel ,NISA)
Shaqada: ( Madaxa waaxda Diiwangilinta ee NISA) Qabiilka (Abgaal).

2)Cabdirizaaq Cali Kaahin (Kabtan NISA)
Shaqada: (Madaxa qeeybta baratakoolka xafiisak agaasimaha NISA)
Qabiilkiisa ( Raxanweyn).

3)Garaad Yuusuf Maxamuud (laba xidigle NISA) Shaqada: (Taliyaha ciidanka guddoomiyaha Maxkamadda sare)
Qabiilka: Dir, Isxaaq.

Hirshabeelle”

1) Anas Cabdicaziiz Mohamed (hal xidigle NISA)
Shaqada: Xoghayaha qaaska ee TNQ
Qabiilka: gugundhabe, Jajeele.

2) Yoonis Xasan Xuseen (Hal xidigle NISA)
Shaqada: (qeeybta Kaalinka NISA)
Qabiilka : Reer owxasan.

Koofur Galbeed”

1)Nuuradiin Ibraahim Adam Saneey.

(laba xidigle NISA)
Shaqada : ( Madaxa ladagaalanka argagixisada ee K. galbeed) .

2)Cabdirizaaq Qaasim Maxamed
(Shabaab hore, Hal xidigle)
Shaqada (Taliyaha NISA ee D. Baydhabo)
Qabiilka:Shanta Caleemood.

Galmudug.

1)Fahmo Xasan Maxamed
(Laba xidigle NISA)
Shaqada: Madaxa Waaxda dibadda qeybta Garoonka Diyaaradaha ee NISA Qabiilka:Habagidir Sacad.

2)Cabdirahman Ismaaciil Shire
(Hal xidigle NISA)
Shaqada: Taliye kuxigeenka Galmudug ee NISA Qabiilka: Mareexaan.

Shabakadda Idil News – Muqdisho