Akhriso: Taariikh Nolaleedkii Garaad Cabdillaahi Garaad Caliciid

Garaad Cabdillahi Garaad Caliciid wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag sannadu markay ahayd 1942-dii, waxaa dhashay hooyo Xaawo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Garaad Caliciid oo kamid ahaa hogaankii hore ee dhaqanka.

Waxbarashadiisii heerka malcaamadda iyo dugsiga hoose kadib Cabdillaahi wuxuu ku biiray ciidanka booliska dhammaadkii 1950-meedyadii, isagoo dhawr iyo toban jir ah ayuu ciidanka booliska ku biiray isla waqtigaas ayuu noqday Danbi-baare isagoo aakhirkii u wareegay Laanta-Khaaska ah ee CBS, kadib arrimo shaqsiyadeed ayuu uga haray booliska.

Sannadku markuu ahaa 1961-dii ayuu Cabdillaahi yimi magaalada Muqdisho, wuxuuna dib ugu laabtay ciidanka booliska, isagoo ka shaqa bilaabay xafiiska Laanta-Khaaska ah ee booliska, deegaanada laysku oran jiray Aalta Jubba (Bay iyo Bakool) ayaa shaqadiisii u horaysay lagu qoray. Sanadkii 1968-dii ayaa Cabdillaahi loo magcaabay madaxa xafiiska Laanta-Khaaska ah ee booliska gobolada Waqooyi.

Cabdillaahi wuxuu kasoo shaqeeyay meela badan oo kamid Soomaaliya, sannadkii 1970-kii ayuu yimi gobolada bariga Soomaaliya halkaas oo uu ka furay xafiisla Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya, muddo ayuu ku jiray ciidanka nabadsugidda isagoo loo bedelay goobo badan oo ay kamid ahayd gobolka Togdheer iyo Aalta Jubba aakhirkiina waxaa loo wareejiyay Baydhabo sanadku markuu ahaa 1974-tii, muddo uu Cabdillaahi ka shaqaynayey halkaas ayaa waxbarasho loogu diray Midowga Soofiyeeti muddo lix bilood ah ayuu ku maqnaa, shaqada nabadsugida wuxuu ka tagay sanadkii 1979-kii, kadib soo noqoshadiisiina dib uguma noqon ciidanka nabadsugidda.

Cabdillaahi ayaa ahaa mid kamida isimada ugu saamaynta badan ee Puntland kuna hadli jiray afka isimada Puntland, kadib burburkii Soomaaliya garaadka ayaa aad uga shaqaynayey arrimaha dalka isagoona u dhuun daloolay siyaasadda dalka, wuxuu qayb libaaxle ka qaatay dhisidda maamulka Puntland, shirarkii dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo isku celinta dalka.

Garaad Cabdillaahi Garaad Caliciid waxuu ahaa Geesi, Wadani, Ruux Gob ah, Shakhsi haldoor ah, Oday samatalis ah, Deeqsi, Aftahan hadli og, mar walba wuxuu dhiirigalin jiray inay bulshadu islu filnaasho gaarto, in gacan hoorsiga shisheeyaha laga baxo gobanimona lagu naaloodo, waxyaalaha uu aadka madaxda iyo shacabkaba ugala hadli jiray ayaa ahayd dhiirigalinta haldoorka iyo in la xuso haldoorkii geeriyooday.

Garaad Cabdillaahi wuxuu ahaa waaya arag wax badan usoo joogay taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo xornimaadii. Wuxuu ka dhashay reero hodon ah oo ay ku wayn tahay wadaniyaddu, khaasatan Hooyaadii Xaawa.

Muddo uu xanuunsanayay Garaad Cabdillahi maanta oo ay taariikhdu tahay 19-Noofember-2020 ayuu ku geeriyooday dalka Turkey, waxaa baxay halyeey, Raxmaanku ha’u naxariisto qoyskiisii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo.

Taariikhda Garaadka AHUN intan way ka badan tahay, raadin iyo waqti in la galiyona way u baahan tahay, insha allah iyadoo dhamaystiranna waan raadin doonaa.

Tixraac:

  1. Dad wax ka yaqaanay.
  2. Waraysiyo uu bixiyay Garaadku.
  3. Qoyskiisa qaar kamida.

Qalinkii: Ahmadek Sanwilwilo