Baarlamaanka Puntland oo loo qaybiyay Miisaaniyadda 2021 (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulankoodii 15-aad ee Kalfadhigga 47-aad ee Golaha ku yeeshay xaruntooda Garoowe, ayaa maanta loo qeybiyay Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021, taas oo ay Golaha u gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ku soo sameynaya akhriska 2-aad kusoo sameyn doona Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2021, taas oo dhan $341,861,037, waxaana dib loogu soo celin doonaa Golaha maalinta Arbacada ee todobaadka soo socda oo ku beegan (November 25, 2020).

Golaha Wasiiradda Dowladda Puntland ayaa sabtidii lasoo dhaafay Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee sanadka 2021, oo ay ka muuqato koror dhinaca dakhliga gudaha ah oo kordhay 5%, iyadoona lagu amaanay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland hufnaanta Maaliyadeed iyo tashiilka oo sabab u ah in horumar laga gaaro arrimaha maaliyadda, xili uu adduunka oo dhan saameeyay Covid19.