Cawad oo laga qaaday xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u magacaabay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud, iyadoo Wasiirkii xilkaas hayay Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Safiir aan weli la shaacin dalka loo magacaabay.

Maxamed C/risaaq ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii xilka Madaxweynaha ee doorashadii 2017, sidoo kale waxaa uu soo noqday La taliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Arrimaha Doorashooyinka.