Garaad C/llaahi Cali Ciid oo geeryooday

Allaha u Naxariistee Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, oo kamid ahaa Isimada Dhaqanka Deegaanada Puntland ayaa ku geeryooday Dalka Turkiga, oo muddooyinkii ugu uu ku xanuunsanayay.

Marxuum Garaad C/llaahi ayaa ahaa Af-hayeenka Isimada dhaqanka Puntland, waxaana lagu xasuustaa doorkii uu ku lahaa dhismaha Dowladnimada Puntland oo uu kamid ahaa udub dhexeedkeeda.

TACSI:
انا لله وانا اليه راجعون

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida garaad Cabdullahi Cali Ciid oo hada geeridiisa nasoo gaartay isagoo mudo xaalad caafimaad ugu maqnaa dalka debediisa.

Garaad Cabdullahi Cali Ciid wuxuu ahaa tiir ka mid ah isimada puntland kuwa ugu miisaanka weyn.

sabir iyo iimaan ilahay haka siiyo shacabka, dawlada, Ehelka iyo qaraabada uu ka baxay.

Aamiin Aamiin