Guddoomiyayaasha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee Gobalka Karkaar iyo Eyl oo la shaaciyay (Akhriso)

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ayaa shaaciyay Guddoomiyaasha Guddiga ee Gobalka Karkaar iyo Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal, kuwaas oo kusoo baxay imtixaan laga qaaday dadkii usoo gudbay wareegga liiska gaaban (short list).

Warsaxaafadeed lagu shaaciyay barta Facebook ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Guddiga ee Gobalka Karkaar ku guuleystay Maxamuud Ismaaciil Salaad, halka Guddoomiyaha Guddiga ee Degmada Eyl ku guuleystay Maxamed Cabdirisaaq Axmed.