Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee maanta ? (VIDEO)

Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Xaaladda degmooyinka Puntland iyo Xeerka Dalxiiska ee Puntland.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ahaa Af-hayeenka Isimada dhaqanka Puntland, kuna geeryooday Dalka Turkiga.

Daawo Muuqaal Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Deperani, ayaa ka warbixiyey kulanka Golaha Wasiirada markii uu soo dhamaaday.