Xasan Sheekh iyo Safiirka UK oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka dowladda Ingariiska u jooga Soomaaliya Ambassador Ben Fender, ayaa kulan ku yeeshay maanta Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Xalane ayaa looga hadlay xilliga kala guurka ah ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana si gaar ah diirada loogu saaray caqabadaha hor taagan doorasho heshiis lagu wada yahay oo Soomaaliya ka dhacda.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Dalka ayaa la wadaagay Safiirka Ingariiska Ben Fender, walaaca Musharixiinta Doorashada iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku aadan qabsoomida doorasho xor iyo xalaal oo ku dhacda waqtigeeda, isagoona ku dheeraaday sida ay lagama maarmaanka ugu tahay ilaalinta Xasiloonida dalka.

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad, Danjire Ben Fender ayaana ku amaanay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dadaalka uu ku bixiyay Hormarka Soomaaliya iyo dhismaha Dilmuquraadiyadda Soomaaliya.