Xasan Sheekh “Yeyna gaarsiin ayaa leenahay dalkaan meel talada faraha ka baxday” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aanay marna la aqbali doonin qaabka dowladda wax u wado ee la doonayo in doorasho lagu aado.

Xasan Sheekh ayaa wareysi uu bixiyay waxaa uu ku sheegay in Guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada laga qoray hey’adaha amniga dhexdooda oo lagu soo daray ciidamo.

“Lagama yeelayo sida ay rabaan marna ma dhaceyso sida hadda wax u qaabeeyaan inay doorasho u dhacdo, waa idin ku tumanayaa iyo saan anaga rabno idin ka yeelayaa iyo meesha waa iska sii joogayaa, hortiis jiraa waayay, Madaxweynaha lagama yeelayo, yeyna gaarsiin ayaa leenahay dalkaan meel taladu faraha ka baxdo” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhowaan Muqdisho ay ka dhici doonaan shirar siyaasadeed oo looga tashanayo xaalada dalka, isla markaana wixii maslaxada dalka iyo dowladnimada loo arko lagu dhaqaaqi doono maalin cad.