Gaalkacyo: Qarax lala beegsaday Ciidammo katirsan Puntland

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Bam-gacmeed lagu tuuray Ciidammo katirsan Booliska Puntland, kuwaas oo marayay agagaarka Xero Daraawiish ee Gaalkacyo.

Ciidammada Bam-gacmeed lagu tuuray ayaa ku jiray howlgallo Roondo ah, oo lagu xaqiijinayo Amniga Gaalkacyo, wararka ayaana sheegaya inuu jiro khasaare.

Bam-gacmeedkan caawa lagu tuuray Ciidammada, ayaa kusoo beegmayaa xilli Ciidanka Dowladda Puntland ay dhowaanahan wadeen howlgallo ka dhan ah Argagixisada, ayna gacanta ku dhigeen Shabakaddo katirsan Kooxda Al-Shabaab.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.