Abiy Ahmed oo ogalaaday inuu Wada-hadal la galo TPLF

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayaa ogalaaday inuu wada-hadal la galo hoggaamiyayaasha Ismaamulka Tigreega, sida ay daabacday Jariiradda Addis Standard.

Aqbalaada Abiy Ahmed ee Wada-hadalada TPLF ayaa imaanaya xilli Ciidammada Dowladda dhexe ee Abiy hoggaamiyo lagu jabiyay weerar ay ku qaadeen deegaanada Ismaamulka Tigreega.

Dagaalka Itoobiya oo soconayay muddo 18 cisho ah ayaa galaaftay nolasha in ka badan 10 oo Askari oo kamid ah Ciidammada Dowladda dhexe Abiy majaraha u hayo, waxaana sidoo kale uu saameyn ku yeeshay Guud ahaan dhaqaalaha Itoobiya, iyadoona la duqeeyey goobo muhiim ah oo ku yaalla gudaha dalka

.