Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ay lee yihiin Ciidanka Dowladda

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaal saacado qaatay uu dhexmaray labada dhinac, isla markaana ay dhinacyadu isku adeegsaday hub culus.

Wararkii ayaa intaas ku daraya in Ciidanka Dowladda oo saldhig ku lahaa Deegaanka Sabiib ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid Al-Shabaab, ayna hadda ka wadaan duleedka Deegaanka howlgallo ka dhan ah Argagixisada.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, welina labada dhinac wax faahfaahin ah kama bixin dagaalkaas.