AUN Garaad C/llaahi Cali Ciid oo Aas Qaran loogu sameeyay Badhan (VIDEO)

Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid, oo ahaa Af-hayeenka Isimada dhaqanka Puntland dhawaana ku geeriyooday dalka Turkiga, ayaa maanta Aas qaran loogu sameeyay magaalada Badhan ee xarunta Gobalka Sanaag.

Aaska AUN Marxuum Garaad C/llaahi Ciid ayaa waxaa ka qeyb-galay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo, Gudoomiye ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan DFS iyo Dawladda Puntland, Isimo, Maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, Shacab iyo masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo mudasha Aaska khudbad kooban ka jeediyay, ayaa u duceeyey Marxuum Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ahaa hormuudka Golaha dhaqanka Puntland, kana shaqeyn jiray nabadeynta iyo xallinta khilaafadka bulshooyinka.