Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada saaka Gaalkacyo

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona bartilmaaneedsanayo goobo gaar ah oo loo maleynayo in laga soo abaabulo ammaan darada ka jirtay Gaalkacyo.

Howlgaladan ayaa ka dambeeyay kaddib markii xalay Bam-gacmeed lagu tuuray Ciidammo katirsan Booliska Puntland, oo marayay agagaar Xero Daraawiish, kuna gudajiray howlgallo Roondo ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidammada Amniga Puntland ay howlgalkooda ku bartilmaameedsanayaan goob loo maleynayo in Weerarkii xalay laga soo abaabulay.

Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii ugu dambeeyay soo hagaagayay, Ciidammada Amniga Puntland ayaana gacanta ku dhigay Shabakado katirsan Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo fulin jiray dilalka, qaraxyada iyo weerarada kale ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.