Mid kamid ah Maraakiibta waa weyn ee Jabuuti oo kusoo xirtay Dekedda Boosaaso (Sawirro)

Markabka DJibouti Shopping Company, oo kamid ah Maraakiibta waa weyn ee qaada xamuulka ayaa markii 3-aad ku soo xirtay Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Markabkan oo u raran ganacsato Reer Puntland ah ayaa markii uu kusoo xirtay Dekedda Boosaaso la bilaabay in laga dajiyo Kunteenarada uu waday.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Yasiin Cartan Maxamed, oo kormeeray Dekedda Boosaaso, ayaa uga mahad-celiyay Maamulka iyo Shaqaalaha Dekedda howsha wanaagsan ee ka socota Dekedda, isagoona sidoo kale amaan u jeediyay ganacsatada Reer Puntland oo qeyb ka ah howlaha wanaagsan ee dekedda ka socda.