Puntland oo ka digtay roobab dabeylo wata oo ka da’i doona Gobalka Bari

Dowladda Puntland ayaa ka digtay roobab dabeylo wata oo 48 saac ee soo socota ka di’i doona deegaano ka tirsan Gobalka Bari.

Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Maamulka Gobalka Bari ayaa lagu yiri “Maamulka Gobolka Bari waxaa uu la wadaagayaa Shacabka Gobolka in 48 saac ee soo socda ay jiraan roobab dabeylo wata sida saadaasha cimiladu sheegeyso”.

Maamulka Gobalka Bari ayaa ugu baaqay Shacabka kunool dhulka hooseeya ee u dhow Buuraha, Togaga iyo deegaanada xeebta ah inay ka isaga baxaan, si looga baaqsado dhibaato ka dhalata roobabkaas, soona gaartay Dadka iyo duunyada.

“Hadaba waxaa shacabka degan dhulka u dhow Buuraha, Togaga iyo meelaha u dhow xeebta inay ka fogaadaan goobahaas si looga taxadaro in dhibaato ka soo gaarto dadka iyo duuntada.”