Shir u dhexeeya Musharixiinta Doorashada 2020 – 2021 oo ka furmay Muqdisho (Sawirro)

Shirka Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020 – 2021 ayaa goor-dhaweyd ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirkan oo soconaya muddo 3 maalmood ah ayaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo cabashada Musharixiinta ee ku aadan Guddiga Doorashooyinka Dadbad ee uu soo dhistay Dowladda Madaxweyne Farmaajo, kuwaas oo u badan Shaqaalaha Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Saraakiil kamid ah Hay’adda NISA iyo taageerayaashii Madaxweynaha ee Siyaasiyiinta ka aflagaadeyn jiray Baraha Bulshada.

Shirkan oo xubnaha ka qeybgalaya ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Daahir Maxamuud Geeleed iyo Siyaasiyiin kale ayaa la filayaa in gabagabadiisa laga soo saaro War-murtiyeed ku aadan Mowqifkooda Doorashada.