Shirka musharixiinta Madaxweynaha oo maalintii kowaad soo idlaaday (VIDEO)

Shirka wada-tashiga Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020 – 2021, ee maanta uga furmay magaalada Muqdisho ayaa goor-dhaweyd soo idlaaday.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya inay arkaan khatar ku wajahan dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya.

Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Musharaxiinta ay isu yimaadeen, isna cafiyeen ayna meesha ka saareen madmadowgii dhexdooda ahaa, meelna uga soo wada jeestaan sidii marxalada haatan uu dalka ku jirto uga gudbi laheyd.

Sidoo kale, Musharax Geelle ayaa xusay in baaqooda uu yahay nabad iyo dowladnimo sal adag, doorashooyin xor ah oo xalaal ah, xukunka hadda jira aan lagu heysan inay tartamaan balse qalooca ay geliyeen doorashada ay rabaan inay saxaan.