Xiisad dagaal oo ka taagan Degmada Matabaan

Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya inay xiisad dagaal ay saaka ka taagan tahay Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga, kaddib markii xalay halkaas lagu dilay Nin rayid ah.

Dilka ninkan oo ka dhacay deegaanka Qabno ayaa waxaa geystay Maleeshiyaad hubeysan, Dadka Deegaanka ayaana sheegay in dilkan uu salka ku hayo aanooyin qabiil.

Deegaanada ay xiisadu ka taagan tahay ayaa horey waxaa ugu dhacay dagaal beeleedyo, galaaftay nolasha dad shacab ah.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.