Ciidanka Puntland oo Hub fara badan ku dhex qabtay magaalada Boosaaso

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga xalay ka sameeyay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Howlgalkan oo si Wadajir ah ay u sameeyeen Ciidammada Booliska, PMPF iyo PSF-ta Puntland ayaa lagu baarayay Gaadiidka, Ciidanka ayaana gawaarida fiiqayay bacaha madow ee lagu dhagsado baaburta.

Sidoo kale, Ciidammada ayaa inta howlgaladu socdeen gacanta ku dhigay hubka si sharci darro loogu sitay Gudaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo Dadkii sitay aysan kamid aheyn Hay’adaha ammaanka Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa Shacabka uga mahadceliyay siday Ciidammada ula shaqeynayaan amniga magaalada Boosaaso, oo dhowaan marti galinaysa Doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka BJFS.