Guddoomiyaha Gobalka Bari oo magacaabay Guddiga dhismaha Garoonka Boosaaso (Akhriso)

Guddoomiyaha Gobalka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ku magacaabay Guddiga dhismaha Garoonka Kubadda cagta Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Xubnaha Guddigan uu magacaabay Guddoomiye Abwaan ayaa ka kooban 17 xubnood, waxaana ay ka shaqeyn doonaan Qaban-qaabada dhismaha Garoonka Boosaaso, Guddoomiyaha Gobalka Bari ayaana ka codsaday cid kastaa oo ay quseyso dhismaha Garoonka Boosaaso inay la shaqeyso Guddiga.