Karaash oo shaqada u fasaxay Wasiirka iyo Agaasimaha Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland (Akhriso)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dib shaqada ugu fasaxay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Cabdirisaaq Jaamac Aadan oo uu horey ugu joojiyay shaqada kaddib markii ay isku dhex dagaaleen xarunta Wasaaradda ee Magaalada Garoowe.

Shaqada dib loogu fasaxay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa timid kaddib markii la heshiiyay Labada Masuul, oo horey isugu qabtay arrimo dhaqaale, sida ay inoo xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan Wasaaradda.