Musharixiinta Madaxweynaha oo ku baaqay in la kala diro Guddiyada Doorashooyinka (Akhriso)

Musharaxiinta Doorashada Madaxweynaha DFS ee 2020 – 2021 ee ku shirsanaa magaalada Muqdisho ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen kaga horyimid Guddiga doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed.

Musharixiinta Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle inay Guddiga Doorashooyinka kusoo dareen Shaqaale iyo xubno katirsan Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, iyagoona ku baaqay in la kala diro guddiyadaas, lana soo dhiso mid cusub.

Sidoo kale, Musharixiinta ayaa sheegay in Liiska labada Guddi ay soo gudbiyeen Puntland iyo Jubbaland ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka, iyagoona ugu baaqay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay dib u eegis ku sameeyaan, isla markaana ay bedelaan xubnaha shaqaalaha rayidka ee ku jira labada Guddi.