Muxuu yahay ujeedka socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ? (VIDEO)

Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Rooble, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlad Goboleedka Koonfur galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood.