Norway oo ka hortimid go’aan ay gaartay Somaliland

Dowladda Norway ayaa kasoo horjeesatay Xukun dil ah oo Somaliland ay ku riday Nin heysta dhalashada dalkaas, kaas oo lagu eedeeyay in uu si ula-kac ah u dilay Nin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo kulan la qaadatay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Oslo ayaa ka dalbatay in Soomaalilnad ay joojiso fulinta xukunkaas, isla markaana dowladda Norway aysan aqbaleyn.

“ Waxaan Somaliland u gudbinay farriin ah in xukunka dilka ah oo ay ku rdeen muwaadinka heysta dhalshada Norway in aysan aqbali Karin, waajibna ay tahay in aan la fulin, sidoo kalena muwaadinkaas uu maro  hababka caadiga ah ee Qaanuunka” ayay tiri Wasiir Ine Eriksen Søreide

Somaliland ayaan weli ka jawaabin codsiga uga yimid dowladda Norway ee ku aadan in aan la fulin xukun dil ah oo lagu riday Nin da’diisa lagu sheegay 54 sano jir, kaas oo heysta dhalashada dalka Norway loona heysta dilka Nin kale.