Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada Baydhabo (Sawirro)

Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xasan Rooble, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad iyo Shacab fara badan ayaa Garoonka Diyaaradaha Dr Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Waftiga Ra’iisul Wasaaraha.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah kii u horreeyay ee gudaha dalka, tan iyo markii loo magacaabay xilka 17 bishii December, waxaana Ujeedkiisa la xiriira dardar gelinta howlaha doorashooyinka.