Roobab dabeylo wata oo ka da’aya deegaano katirsan Puntland (VIDEO)

Roobab dabeylo wata oo xalay bilowday ayaa ka da’aya deegaano katirsan Gobalka Gardafuu, oo ay kamid yihiin Degmooyinka Caluula, Xaabo, iyo Bareeda.

Roobabkan oo ka yimid dhanka Raasiga Gardafuu ayaa saameyn ku yeeshay Dadka iyo duunyada, waxaana sidoo kale meesha ka baxay Isgaarsiinta qaar kamid ah deegaanada Gobalkaas, oo ay ku jiraan Xoogaag, Qoraxaad, iyo Murcanyo.

Guddoomiyaha Gobalka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed, ayaa sheegay in roobabkan oo bilowday Abaaro 3:00 habeenimo ee xalay ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka, ayna jareen Isgaarsiintii deegaanada qaar.

Sidoo kale, Guddoomiye Muuse ayaa sheegay in digniinta roobabkan ay maalmihii u dambeeyay la wadaagayeen bulshada, dadkuna ay muujiyeen feejignaan, isagoona ugu baaqay Shacabka inay u hoggaansamaan digniinta ayna baneeyaan dhulka godan.