Sanaag: Puntland oo tababar uga furtay Badhan 400 Askari (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa degmada Badhan ee Gobalka Sanaag Tababar uga furtay 400 oo Askari oo kamid noqonaya Ciidammada Daraawiish-ta Puntland.

Ciidammadan oo ku qaadanaya tababarkooda dugsiga tababarada Ciidamadda Puntland ee Badhan ayaa noqonaya dufcadii labaad ee lagu tababaro dugsigan, waxaana mudada ay xareysan yihiin la bari doonaa Akhlaaqaadka Ciidammada, difaaca iyo la dhaqanka Bulshada.

Munaasabadda furitaanka tababarkan ayaa waxaa goobjoog ahaa Abaanduulaha Ciidammada Daraawiish-ta, Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland, Saraakiil kamid ah Ciidammada iyo Masuuliyiin kale.