Shirka Wada-tashiga midowga Musharixiinta oo maalintii labaad galay (Sawirro)

Shirka Wada-tashiga Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ee 2020 – 2021, ayaa galay maalintii labaad, iyadoona ay goobjoog yihiin illaa 12 Musharax oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sharif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Axmed iyo xubno kale.

Shirkan oo sabtidii shalay aheyd furmay ayaa waxaa qorshuhu yahay in maalinnimada berito ah lasoo gabogabeeyo, lagana soo saaro war-murtiyeed ay ku mideysan yihiin musharixiintan oo ku aadan doorashada 2020 – 2021 ee Soomaaliya.