WAR DEG DEG AH: Roobab dabeylo wata oo bilowday Xaafuun

Wararka ka imaanaya Gobalka Karkaar ayaa sheegaya in Roobab dabeylo wata ay goor-dhaweyd ku bilowdeen degmada Xaafuun, kuwaas oo waxyeelo u geystay degmada.

Roobabkan ayaa sidoo kale sababay inay meesha ka baxdo Isgaarsiintii degmadaas, haatana xiriirka Dadka iyo Maamulka Degmadaas.

Dhanka kale, Wararka ka imaanaya Gobalka Bari iyo Gardafuu ayaa tibaacaya in Roobab dabeylo wata ay ka da’ayaan degmooyin iyo deegaano katirsan Gobaladaas, kuwaas oo hakiyay Isgaarsiin iyo isu-socodkii bulshada, waxaana jira waxyeelo soo gaartay dadka iyo duunyada.