Wararkii ugu dambeeyay ee Roobab dabeylo wata oo ka da’aya Bariga Puntland (VIDEO)

Wararka ka imaanaya magaalada Hurdiya ee Gobalka Karkaar ayaa sheegaya in Roobab dabeylo wata ay ka da’ayaan magaaladaas iyo deegaanada hoostaga.

Roobabkan oo bilowday abaaro 5:00 galabnimo ayaa ka yimid dhanka Xeebaha, Wararka ayaana intaas ku daraya in Baddu ay kusoo fatahday, ayna biyo buux dhaafiyeen gudaha magaalada.

Sidoo kale, Maamulka Degmada Hurdiya ayaa kusoo waramaya in illaa 14 guri ay dumeen duufaanadan, waxaana socda  bad-baadinta Dadka iyo duunyada kunooleyd oo laga saarayo gudaha Magaaladaas oo dhacda labo buurood dhexdood.

Dhanka kale, Meydka labo Ruux oo u dhashay Dalka Yemen, loona maleynayo inay yihiin Kalluumeysato ayaa kusoo caariyay xeebta degmada Xaafuun, waxaana roobabka dabeglaha wata ku burburay Guryo farabadan iyo Anteenooyinkii shirkadaha Isgaarsiinta ee Golis iyo Somtel.

Guddoomiyaha Gobalka Karkaar Saciid Faahiye, oo goor-dhaweyd Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Qardho ayaa sheegay in xaalad ay wajahayaan Dadka kunool deegaanada iyo degmooyinka xeebaha ee dhaca bariga Gobalkaas, oo ay kamid yihiin Xaafuun iyo Hurdiya isagoona ugu baaqay Dowladda iyo Shacabka Puntland, iyo Hay’adaha caalamiga ah ka qeybqaadasha samata bixinta Dadka ay saameeyeen roobabkan dabeylaha wata.