Karaash oo Guddi u magacaabay xaalada duufaanta GATI (Akhriso)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash, ayaa guddi u magacaabay xaaladda ka dhalatay duufaanta GATI ee ku dhufatay qaar ka mid ah Gobolada Puntland.Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxay kala yihiin:-

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka, Wasaaradda Arimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dimuqraadiyeynta ( Guddoomiye).

2- Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. (Xubin).

3- Eng, Maxamuud Xaaji Saalax, Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Xubin).

4- Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah (Xubin).

5- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska (Xubin).

6-Dr, Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka (Xubin).

7- Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta (Xubin).

8- Cabdirashiid Cali Geelle, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada (Xubin).

9- Siciid Cismaan Aadan, Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha (Xubin).

10- Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (Xubin).

11.Cumar Xasan Fiqi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda (xubin)

12- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed, Maareeyaha Guud ee Hay’ada HADMA (Xoghayn)