Milatariga Itoobiya oo duleedka Jigjiga ku dagaalamay

Xerada Ciidamada Milatariga Itoobiya ee Garabcase Jigjiga waxaa ka dhacay iska hor imaad udhaxeeya Ciidanka dhexdiisa.

Askari Oromo ah,ayaa dilay Askari kale oo Amxaara ah,taasoo sababtay in uu dhaco dagaal socday 20-daqiiqo.

Dhimashada dagaalkaas ka dhalatay,ayaa gaaraysa 9-Askari.Dagaalku waxuu ka dhacay xerada Garabcase maalinkii shalay.