Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya Magaalada Boosaaso (Sawirro)

Roobab mahiigaan ah ayaa 24 saac ee lasoo dhaafay si xariir ah uga da’aya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, iyadoona u hakad ku jiro inta badan ganacsiga magaalada.

Roobabkan ayaa sababay inay soo dhacaan ku dhawaad 15 Baalle, oo kamid ah Baalayaasha Shirkadda Eeneeye, waxaana 10 saac ee lasoo dhaafay maqan Korontada magaalada Boosaaso.

Ma jirto illaa hada khasaare xooggan oo Roobabkaas ka dhashay, waxaana socda Dadaalo ay wado Dowladda oo ku aadan in laga gaashaanto dhibaatooyin ka dhasha roobabkaas.