Video:-Tigreega oo sheegay in ay jabiyeen Ciidamadii Abiy

Abaanduulaha Ciidamada Tigreega oo hadlay,ayaa guulo waa weyn sheegtay.

Jeneral Taadhase Gabra Isgahbeer,ayaa sheegay in dhanka Raaya sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay dagaalkii socday maantay soo afjareen.

“Hal diyaarad oo kuwa qumaatiga ukaca ah,ayaan soo ridnay,waxaana gubnay Taangiyo fara badan”Ayuu yiri Taadhase.

Jeneral Taadhase oo hadalkiisa sii wata,ayaa yri “Gebi ahaanba garoonkii diyaaradaha Bahardar ee Diyaaraduhu nalagu weeraro ay kasoo duuli jireen waan burburinay”

Sidoo kale ciidankiiDhinaca Adagiraad kasoo socday dhexda,ayaan ugalnay oo waa Jabinay,Ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray.

Halkan ka daawo muuqaalka