Wararkii ugu dambeeyay ee duufaanta ku dhufatay xeebaha Bari ee Puntland

Ugu yaraan 8 Ruux oo ah Kalluumeysato Yamaniyiin ah ayaa ku geeryooday Degmada Xaafuun ee Gobalka Karkaar, kaddib roobab dabeylo wata oo ka da’ayay degmadaas ku dhawaad 48 saac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in 10 Ruux ay ku dhaawacmeen duufaantan, iyadoona ay ku burbureen Guryo farabadan, halka kuwa kalena ay saqafka ka qaadeen.

Sidoo kale, Roobabka dabeylaha wata ay khasaare ka geystay Deegaanka Hurdiya ee Degmada Xaafuun ee Gobalka Karkaar iyo deegaano kale oo katirsan Gobalka Gardafuu oo ay kamid yihiin Caluula, Xaabo, Gumbux, Bareedo, Murcanyo iyo deegaano kale.

Guddoomiyaha Gobalka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Qardho ayaa sheegay in xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanada ay saameeyeen roobabku, oo ay ugu horeyso Degmada Xaafuun, isagoona ugu baaqay Dowladda iyo Shacabka Puntland iyo Hay’adaha caalamiga ah inay gurmad deg deg ah u fidiyay.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta magacaabay Guddi ka kooban 11 xubnood uuna hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, kuwaas oo ka shaqeyn doona gurmad deg deg ah oo la gaarsiiyo Shacabka Roobabka dabeylaha wata ay saameeyeen.