Axmed Karaash oo ka tacsiyeeyay geerida Gen. Khaliif Ciise Mudan

Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka Turkiga.

Alle ha u naxariistee Khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka Dowliga ah, waxa uu soo noqday Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, waxa uu kasoo noqday Puntland Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye Madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxa uu Alle SWC uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland.