CC Warsame “Farmaajo wuxuu doonayaa in firimbiga Doorashada uu yeeriyo” (VIDEO)

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in uu doonayo in uu doorashada dalka ka dhacaysa uu noqdo garsooraha doorashada.

Hadal uu ka jeediyay musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur kulanka musharaxiinta madaxweynaha ee ka socda Muqdisho ayaa waxa uu ku baaqay in tartanka doorashada madaxweynaha soomaaliya uu noqdo mid loo siman yahay.