Madaxweynaha cusub ee Mareykanka oo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibedda

Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka Joe Biden ayaa Antony Blinken u magacaabay in uu noqdo xog-hayaha arrimaha dibadda ee maamulkiisa cusub, iyadoo uu isku dayayo in uu boorka ka jafo xiriirkii isbaheysigii dibadda ee Mareykanka, kaas oo uu dhabarka jeediyay madaxweyne Trump.

Anthony Blinken ayaa ka mid ahaa saaxiibbada Joe Biden aad ugu dhow ee kala talin jirey arrimaha siyaasadda dibadda.

Blinken oo ah 58 sano jir rug caddaa arrimaha siyaasadda dibadda ka soo shaqeynayay muddo labaatan sano ah, ayaa ku raacay Biden baahida loo qabo in mar kale Mareykanku uu hoggaamiyo doorka siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo is baddal ku keeneysa hab dhaqankii siyaasadda madaxweyne Trump ee ku dhisneyd Mareykanka ayaa koowaad ah, iyadoo gallaafatay isbaheysigii muddadaa dheeraa Mareykanka ee Galbeedka.

Jake Sullivan, ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ammaanka qaranka, halka Linda Thomas-Greenfield loo xushey inay noqoto danjiraha Mareykanka ee QM.