Madaxweynaha DDS Cagjar iyo Wafti ka socda Puntland oo ku kulmi doona Buuhoodle

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, iyo Wafti Wasiiro ah oo ka socda Dowladda Puntland ayaa Arbacada kulan ku yeelan doona Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobalka Cayn.

Madaxweyne Cagjar ayaa berrito soo gaari doona magaalada Buuhoodle, waxaana kulanka ay wada yeelanayaan Waftiga Puntland looga hadli doono Arrimaha Iskaashiga Amniga iyo Ganacsiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha DDS iyo Waftiga Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirada Qorsheynta, Ganacsiga, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Wasiir ku-xigeenada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, ayaa kulankooda diirada ku saari doona Arrimaha Nabad-gelyada Xuduudaha Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo sidii la isku dhaafsan lahaa xogaha la xariira Amniga.