Wakiillada Beesha Caalamka oo fariin u diray Midowga Musharixiinta (Sawirro)

Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo wada-hadal khadka ZOOM ah la yeeshay Midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha 2020/2021 ee ku shirsan maalintii 4-aad magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay marxalada uu marayo dalku.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in aysan u qanacsaneyn qaabka ay howlaha doorashooyinka u wado Dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyagoona tilmaamay in aysan aqbali karin in Nabadsugida lagu daro Guddiyada doorashada arrintaasna ay Farmaajo iyo Fahad kala hadleen.

Sidoo kale, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa xusay inay ka walwalsan yihiin gacan ka hadal inuu yimaado, ayna doonayaan in laga baaqsado.