Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland oo ka hadlay geerida Gen. Khaliif Ciise (VIDEO)

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Abdulahi Abdisalan, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan oo maanta ku geeryooday Dalka Turkiga.

Marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan oo kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland, ayaa soo noqday Wasiirka Amniga Puntland Dowladdii Madaxweyne Faroole, waxaana uu haatan ahaa La-taliyaha dhanka Amniga ee Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

Wasiir Cabdullaahi ayaa alle uga baryay inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo Qoyskii, Eheladii, Asxaabtii, ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntland ee uu ka baxay Jenaraal Mudan.