10 Ruux oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Gobalka Hiiraan

Ugu yaraan 10 Ruux ayaa ku geeryooday Dagaal u dhexeeya Labo maleeshiyo beeleed oo galinkii dambe ee Talaadadii ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Nagaarta oo hoos-taga Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa salka ku haya muran la xiriira Baraago biyo laga cabo oo mudo lagu dirirsanaa, waxaana jira heshiis dhawaan labada beellood ay ka gaareen colaadan dib u soo cusboonaatay.

Sidoo kale, dagaalkan oo socday tan iyo cishihii xalay ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro kamid ah dhinacyadii dagaalamayay, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaallada magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanku Nagaarta ee dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya inay socdaan Abaabulo iyo gurmadyo kala gaaraya maleeshiyaadka dagaalamay, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabelle oo deegaankaasi maamula.