Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021 (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo kulan maanta ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021, taas oo dhan $ 341,861,037.

Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 54 Mudane, ayey dood adag ka yeesheen Miisaaniyadda Dawladda Puntland oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Puntland, Xildhibaannada ayaana cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Miisaaniyadda Dawladda ee sanadka 2021.

Miisaaniyadda Puntland ee sanadka 2021 ee Golaha Wakiilladu Ansixiyeen ayaa dhan $341,861,037 (Saddex boqol afartan iyo kow malyan sideed boqol lixdan iyo kow kun iyo soddon iyo todoba dollar) sannadkii, halka ay bishii noqonayso $ 28,488,420 (Labaatan iyo sideed malyan afar boqol sideetan iyo sideed kun afar boqol iyo labaatan doolar).