Dadka ka qaxaya dagaalka ka socda Itoobiya oo kordhay

Hayadda qaxootiga Qaramada Midoobe ee UNHCR ayaa sheegtay in dadka qaxootiga ee ka baxsanaya dagaalka waqooyiga itoobiya ay sii kordhayaan.

UNHCR waxay tilmaantay in iminka 40,000 ay kor u dhaafeen dadka qaxootiga ee gaaray bariga Sudan.

Labadii cisho ee ugu danbeysay waxaa xadka Sudan gaaray 5,000 oo qof kuwaas oo caruur iyo haween u badan .

UNHCR waxay sheegtay in 300 oo caruur ah kuwaas oo aad u nafaqo daran hada la quudiyo islamarkaana la siiyo daryeel caafimaad.

Qaxootiga waxaa la siiyaa cuno bisil waxaana loo sameeyay goobo biyo ay ka cabaan iyo musqulo .

UNCHR waxay sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidii dadka qaxootiga xuduuda looga dheereyn lahaa oo loo geyn lahaa gudaha Sudan.

Ilaa 8,000 oo qof ayaa hada la geeyay deegaanka Um Rakuba oo 70km gudaha Sudan ah.