Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kusoo laabtay & Shir jaraa’id oo uu qabanayo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib muddo 30 cisho ah oo ku maqnaa Dalka dibadiisa.

Madaxweyne Deni ayaa socdaalkiisa dibedda kusoo maray  dalalka Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo Dalka Kenya oo uu saaka kasoo amba baxay, waxaana uu intii uu ku sugnaa dalalkaas Masuuliyiinta ugu sareysa, oo ay ka wada hadleen Arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta xiriirka Puntland ay la wadaagto.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la hadlo Saxaafadda, isagoona Shirkiisa Jaraa’id diirada ku saari doona safarkiisa dibedda, xaalada duufaanta GATI ee ku dhufatay xeebaha Bari ee Puntland iyo arrimaha doorashooyinka dalka.