Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda D/Gobaleedyada oo shir yeelanaya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS ayaa kulan ku yeelanaya todobaadka soo socda aalada ZOOM ee khadka Internet-ka.

Kulanka oo ay ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa looga hadlayaa Arrimaha doorashooyinka Dalka, iyo doodaha ka dhashay Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, kuwaas oo ay ka horyimaadeen Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ee 2020 – 2021, oo ku doodaya inay kamid yihiin xubno kamid ah Saraakiisha Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Xafiisyada Dowladda.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo 3 kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ay doonayaan in aan la kala dirin Guddigan, balse ay iska casilaan Shaqooyinka ay hayaan xubnaha la dhaliilsan yahay ee Guddiga kamidka ah, halka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay doonayaan in la kala diro Guddigan, lana soo dhiso Guddiga ay ka maran yihiin xubnaha la diidan yahay.

Sarkaal kamid ah Madaxtooyada Puntland ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay la noqon doonaan magacaabista xubnaha ku matalaya Guddiyada Doorashooyinka iyo Khilaafaadka heer Federaal oo aan illaa hada Muqdisho tagin, hadaan si wadajir ah wax ka bedel lagu sameyn Guddiyada, taas oo hadii ay dhacdo culeyska ku  siyaadin doonta Madaxweyne Farmaajo.

Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha iyo Wakiillada Beesha caalamka ayaa ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo in la dhiso Guddi farsamo oo haga doorashada, kuwaas oo lagu kalsoonaan karro, Madaxweynaha ayaana u muuqda inuu haatan wajahayo jahwareer Siyaasadeed.

Shabakadda Idil News – Muqdisho