XOG: Qatar & Fahad oo day’dayaya Musharax aan aheyn Farmaajo

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo ah Taliyaha Hay’adda NISA, ahna Wakiilka Dowladda Qatar ee Arrimaha Siyaasadda ayaa baneeyay garabka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Shabakadda Idil News.

Madaxweyne Farmaajo oo habeen kahor kula kulmay Villa Soomaaliya xubnaha katirsan Dowladiisa iyo Siyaasiyiin ay ee ay isku beesha yihiin ayaa la sheegay inuu walaac ka muujiyay kalsoonida uu ku qabo Dowladda Qatar iyo Taliyihiisa NISA Fahad oo ah garabka kaliya ee haatan ku haray.

“Ma jirto wax kalsooni ah oo aan ku qabo Dowladda Qatar oo Wakiil uu ka yahay saaxiibkay Fahad Yasiin, iimana muuqato fursad kale oo xukunka aan kusii joogi karo, waana iga xaqiiqoo waxaan dareemin inaan fursado badan lumiyay, oo qaarkiin horey iigu soo jeediseen” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo, sida uu sheegay mid kamid ah dadkii ka qeybgalay kulanka oo la beel ah Madaxweynaha.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Dowladda Qatar ay ku amartay Fahad Yaasiin inuu soo dayo Musharax kale oo ka gadmi kara Soomaalida, oo aan aheyn Madaxweyne Farmaajo, isagoona gudbiyay Liiska Musharax oo kala ah;

1: Shariif Sheekh Axmed, oo ahaa Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd, kana mid ah Musharixiinta Doorashada 2020 – 2021.

2: Xasan Cali Kheyre, oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Farmaajo 3 sanno iyo bar, kaddibna ay tuureen Baarlamaanku.

3: Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo soo noqday Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug.