Ra’iisul Wasaare Rooble “Waxa aan diyaar u ahay in Musharixiinta aan kala fadhiisto Cabashadooda”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la fadhiisto cid waliba oo cabasho ka ah Guddiga Doorashada 20/21 oo hormuud u ah hirgelinta doorashada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasare Rooble ayaa sheegay in mas’uuliyad culus ay saaran tahay Xukuumaddiisa, sidaas awgeed uu diyaar u yahay in uu raadiyo qof waliba oo cabasho qaba si uu u fahamsiiyo guddiga & micnaha uu u leeyahay dhismaha Dowladda cusub ee 4-ta sano soo socota.

“Xilka in la qaado waa mas’uuliyad culus, waxaa jira Rag walaalahey ah oo aan si fiican u garanayo oo musharixiin ah oo cabasho ka keenay Guddiyada doorashada, waxa aan diyaar u ahay in aan kala fadhiisto si aan uga qanciyo tabashadooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 20/21 oo u badan mas’uuliyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay ayaa sheegay in Guddiga Doorashada lagu biiriyay xubno xubno katirsan Nabadsugidda, Madaxtooyada & Shaqaalaha Rayidka ah.